Chelsea oo xaqiijisay in Michy Batshuayi uu…..

(London) 11 Agoosto 2018. Naadiga Chelsea ayaa xaqiijisay inay hal sano oo amaah ah ay dhaliyaheeda Michy Batshuayi ku siisay naadiga Valencia ee ka ciyaarta horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Dhaliyaha reer Belgium ayaa la kulmay macallinka cusub ee Blues Maurizio Sarri isagoona ka soo xasiliyay in amaah lagu diro maadaama ay ka horeeyaan Alvaro Morata iyo Olivier Giroud.

“Chelsea waxay maanta qodobo kala heshiisay Valencia oo ku aadan Michy Batshuayi si uu kooxda reer Spain ugu biiro hal sano oo amaah ah.” Blues ayaa sidaa xaqiijisay.

Image result for michy batshuayi valencia

Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa sidoo kale doonayay 24 jirka laakiin waxaa tartanka kaga guuleysatay naadiga Valencia.

Weeraryahanka reer Belgium ayaa sanad cajiib ah ku soo qaatay  Borussia Dortmund inkastoo markii dambe uu dhaawac soo afjaray waqtigiisii qurxoonaa ee kooxda reer Jarmal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close