Paul Pogba oo Dib u Bilaabay howlihisii Madax Qurxinta iyo Laacibka oo Sheegay SABABTA uu ula Jeedo Habkan Cusub+SAWIRRO

( Manchester ) 10 Agoosto 2018. Paul Pogba ayaa mar walibaa ah mid caadeysay inuu marba nuuc u jarto tina taasoo uu dhaleeceen xoogan kala kulmay.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay united xiddiga dalka France ayaa ahaa mid ay taageerayaashu la yabaan sida uu tina u habeysto bila kasta balse uu u yar yahay waxqabadkiisa naadiga.

Haatan wuxuu la yimid jarmo ay dhanka hoose madaxa kaga taal laba xiddig oo uu ugu diyaar garoobayo bilaabshada horyaalka Premier League.

Labada Xiddig uu kusoo xariiqday Tinta ayuu Pogba ula jeeda laba koobka adduun ay hestaan xulkiisa France.

Laacibak dhexe ee kooxda united ayaa la weydiiyay sababta uusan ugu masquulin Timahiisa inta lagu guda jiray koobka adduunka kasoo u suuragaliyay xulkiisa inay ku guuleystaan.

Pogba ayaa yiri” Waxaan rabaa nabad galyo si aan diirada u saaro cayaaraha xulkeyga ee koobka adduunka’’.

Intii lagu guda jiray koobka adduunka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Russia Pogba ayaa wax isbadal ah ku sameyn tintiisa tasoo yareeysay dhaleeceynta uu la kulmayay.

Balse iminka arinta uu ku kacay waa mid la dhihi karo waa khiyaamo kooxeed inkastoo mustaqbalkiisa mudgi la galiyay madaama lala xariirinayo kooxda Barcelona.

Eeg Jarmooyinkii Hore ee Pogba

  

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close