DEG DEG: Barcelona oo Magacaabatay KABTAN Cusub kaddib markii uu ka tagay Iniesta

(Barcelona) 10 Agoosto 2018. Naadiga Barcelona ayaa ku dhawaaqday in Kabtanka koowaad ee kooxda uu xiran doono Lionel Messi kaddib markii uu ka tagay Iniesta oo ku biiray horyaalka Japan.

Laacibka reer Argentina ayaa marar badan calaamada Kabtanka u xirtay Barcelona ka hor inta aan si Rasmi ah loogu magacaabin Kabtan ku xigeenka kooxda 2015.

Yeelkeede, Messi ayaa laga bilaabo kal ciyaareedkan si rasmi ah u noqon doona kabtanka koowaad ee kooxda Barca.

Related image

Sergio Busquets ayaa noqon doona Kabtan ku xigeenka Messi halka Gerard Pique iyo Sergi Roberto ay noqon doonaa saddexaad iyo afaraad.

Lionel Messi ayaa rajeynaya Axada inuu markii ugu horreysay Barcelona la qaado koob isagoo ah kabtanka koowaad ee kooxda  marka ay Spanish Supercopa ku wajahaan kooxda Sevilla.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close