Suuqa kala iibsiga Premier League oo xirmay iyo Tottenham oo dhigtay RIKOODH aan weligii horey loo sameyn

(London) 09 Agoosto 2018. Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier League ayaa xirmay saacad ka hor balse waxaa harsan labo saacadood oo dheeri ah oo ay kooxaha ku dhammeysan karaan heshiisyada Ciyaartoyda uu wada hadalada u socday ka hor inta uusan suuqa xirmin.

Tottenham ayaa dhigtay Rikoodh aan weligii horey looga dhigin Ingiriiska tan iyo sidii loo hirgaliyay Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sanadii 2003.

Waxay noqotay naadigii ugu horreeyay oo aan wax saxiix ah ka sameyn suuqa.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa go’aansaday inuu hal ciyaaryahan ku soo darin shaxdiisa taa oo dhibaato ku noqon karta.

Naadiga Leeds United ayaa noqon gaartay naadigii ugu horreeyay ee aan wax saxiix ah ka sameyn suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda sanadii 2003 balse hal ciyaaryahan ayay ugu dambeyn la wareegtay taa oo ka dhigeysa Tottenham naadiga kaliya taariikhda Premier League oo aan wax saxiix ah ka sameyn suuqa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close