RASMI: Everton oo la wareegtay Xiddigaha Barcelona ee Gomes iyo Yerry Mina

(England) 09 Agoosto 2018. Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyda Premier League ayaa xirmay daqiiqado yar ka hor iyadoo ay naadiga Everton gacanta ku dhigtay labada xiddig ee Daafaca iyo Qadka dhexe kaga ciyaara Barcelona ee Yerry Mina iyo André Gomes.

Laakiin waxaa jira labo saacadood oo dheeri ah oo ay Kooxaha ku dhammeysan karaan saxiixyada xiddigaha ay wada hadalada kula jiraan ama ay gaareen heshiisyada.

Naadiga reer England ayaa Daafaca reer Colombia kula wareegtay heshiis joogta ah iyadoona kala soo baxay adduun dhan 30.25 milyan oo euro.

Halka Gomes ay kula soo wareegeen heshiis amaah oo hal sano ah iyagoona bixiyay 2.25 milyan oo euro.

Goor dhow ayaan idin soo gudbin doonaa dhammaan saxiixyada ay sameeyeen kooxaha waa wayn ee Premier League.

Ku xirnoow Goolfm.net.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close