Manchester United oo mushaar qaali ah hordhigtay Diego Godin iyo laacibka oo …!!

(Manchester) 09 Agoosto 2018 Manchester United ayaa wali baadi goob ugu jirta inay hesho daafac khibrad leh ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Kooxda tababare Mourinho ayaa dalab dhan 25 milyan oo Ginni ka gudbisay Diego Godin kaas oo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico Madrid sida uu baahiyay Fabrizio Romano.

Manchester United ayaa hordhigtay Diego Godin mushaar dhan 9 milyan oo euro sanadkii si ay ugu qanciso inuu u soo dhaqaaqo Old Trafford saacadaha yar ee ka harsan suuqa kala iibsiga.

Laakiin Diego Godin ayaa diidan ilaa haatan inuu aqbalo dalabka uga yimid Manchester United, wuxuuna doonayaa inuu iska sii joogo kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close