Labo LAACIB oo ka tirsan Barcelona oo iminka Tijaabada Caafimaad u maraya koox ka dhisan Premier League

(Europe) 09 2018. Suuqa kala iibsiga horyaalka Premier League ayaa waxaa naga xiga saacado yar oo qura iyadoo ay dar dar xoogan sameynayaan kooxaha si uusan suuqa ugu xirmin.

Daafaca Barcelona  Yerry Mina iyo xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Andre Gomes ayaa la sheegayaa inay iminka Tijaabada caafimaad u marayaan kooxda Everton ka hor inta uusan suuqa ku xirmin caawa fiidkii.

Mina ayaa lagu wadaa inuu heshiis joogta ah ugu biiro Everton halka Gomes isna lagu wado inuu ugu soo dhaqaaqo heshiis amaah ah.

Related image

Kooxda lagu naaneyso Toffees ayaa kol dhawayd Barca kala soo saxiixatay Lucas Digne, waxayna iminka ku raad jogaan Mina iyo Gomes.

Faah Faahinta heshiisyada ka dhacaya Suuqa Premier League saacadaha soo socda ka hor inta uusan xirmin kala soco Goolfm.net.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close