Arjen Robben oo fariin ku aadan Jérôme Boateng u diray maamulka sare ee kooxda Bayern Munich

(Bayern) 09 Agoosto 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa xaqiijiyay in saaxiibkiisa Jérôme Boateng inuu yahay mid ka mid ah daafacyada ugu fiican waqtigan ee kubada cagta.

“Jérome Boateng waa hubaal waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican aduunka, waana mid muhiim u ah kooxda Bayern Munich”

“Boateng waa ciyaaryahan weyn, waana mid ka mid ah difaacyada ugu wanaagsan aduunka, waxaana muhiim ah in maamulka Bayern ay iska ilaawaan fikrada uu kooxda kaga dhaqaaqayo”.

“Muhiim ma ahan in aan fasaxno xidigaha ugu muhiimsan kooxda suuqan xagaaga, kadib marka uu kooxda ka dhaqaaqay dhawaan Arturo Vidal”.

Waxaa jiray xiliyadii laasoo dhaafay warar ku aadan in 29 jirka reer Germany ee Jérôme Boateng uu ka tagayo kooxda Bayern Munich si uu ugu dhaqaaqo Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close