Wada hadalada Milan iyo Chelsea oo meel fiican maraya

(Europe) 08 Agoosto 2018. Chelsea ayaa xagaagii hore uun 40 milyanTiemoue Bakayoko kaga soo iibsatay kooxda Monaco ee dalka Faransiiska balse waxay durba u muuqataa inay soo afjarantay waayihiisii Stamford Bridge.

Waa sida uu warinayo Sky Sport oo sheeganaya in AC Milan ay wada hadalo la furtay Chelsea kaa oo ku aadan inay soo qaataan xiddiga qadka dhexe ee reer France.

23-jirka ayaa ka mid ahaa xidigihii ugu qaalisanaa uu sameeyo Antonio Conte intii uu ka arriminayay kooxda reer London.

Chelsea transfer news Tiemoue Bakayoko AC Milan

Laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu bandhig fiican sameeyo kal ciyaareedkii tagay welina wax fiican uma muujin macallinka cusub ee Chelsea Maurizio Sarri.

Sky Sport ayaa sheegaya in wada hadalada kooxda reer Talyaani iyo Blues uu marayo meel hormarsan.

Milan ayaa joog dheeraha qadka dhexe ku dooneysa heshiis amaah ah oo leh dooq ay ku iibsan karto dhammaadka kal ciyaareedka.

Chelsea ayaana iska fasixi karta Bakayoko, maadaama ay Jorginho ka soo iibsadeen Napoli si uu qadkeeda dhexe u maareeyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close