Klopp oo ka warbixiyay go’aankiisa kaga aadan Henderson kulanka ay kaga daah furan doonaan Premier League

(Liverpool) 08 Agoosto 2018. Jürgen Klopp ayaa sheegay in kabtanka Reds ee Jordan Henderson uu heysto fursad uu qeyb kaga noqon karo kulanka West Ham ay kaga bilaaban doonaan horyaalka Premier League ee xili ciyaareedka cusub maalinka Axada soo aadan.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa xili dambe dib ugu soo laabtay tababarka kooxda, kadib markii uu xulkiisa kaga qeyb galay koobka aduunka ee 2018.

Laakiin Klopp ayaa wuxuu u sheegay shabakada rasmiga ah ee kooxda Liverpool in Henderson uu qeyb ka noqon karo fursad weyna uu u heysto kulanka Axada ee West Ham.

“Waa inaan aragnaa sida uu ula dhaqmi doono xaalada taagan, laakiin isaga waa Henderson, tan iyo markii ugu horeesay uu tababarka nala qeyb galay, wuxuu u muuqday in uu mudo saddex isbuuc ah uu nala sameenayay”.

“Wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ku filan uu kaga gudbi karo xaaladaha adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close