Julen Lopetegui oo ka warbixiyay suurtagalnimada in Mateo Kovačić uu ka tagayo kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 08 Agoosto 2018. Macalinka kooxda Real Madrid Julen Lopetegui ayaa wuxuu xaqiijiyay in xidiga khadka dhexe ee reer Croatia ee Mateo Kovačić ay ka go’an tahay inuu ka dhaqaaqo kooxda Real Madrid.

Inkastoo uu  Mateo Kovačić doonayo inuu ka dhaqaaqo kooxda Real Madrid  hadana Julen Lopetegui ayaa u arka inuu muhiim ka yahay garoonka Santiago Bernabeu iyo shaxda Los Blancos xili ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa wxay intaas kusii darayaan in kooxda reer London ee Cheslea ay ku dhow dahay inay kula saxiixato Mateo Kovačić hal xili ciyaareed amaah ah.

Hadaba hadalka Julen Lopetegui ayaa xaqiijinaya in ay rutahay in laacibka khadka dhexe reer Croatia ee Mateo Kovačić uu kusii jeedo garoonka Stamford Bridge.

“Ma jiro wax xaqiiqo ah ee 100% ah, laakiin Kovačić wuxuu muujiyay rabitaankiisa ah inuu dhaqaaqo suuqan xagaaga, waxaana arki doonaa waxa dhaca”.

“Iyadoo ay sidaas jirto, hadana waxaan u arkaa inuu yahay mid ka mid ah xidigaha muhiimka ka ah kooxda Real Madrid xili ciyaareedka soo socda, hadii uu sii joogo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close