Heshiiska Kepa oo Galabta la dhammeystirayo, Chelsea oo Jabineysa Rikoodhka ay dhawaan dhigtay Liverpool+SAWIR

(Europe) 08 Agoosto 2018. Goolhaye Kepa ayaa ka soo duulay Bilbao isagoona soo gaaray Magaalada Madrid si uu halkaa heshiisyo ula gaaro Chelsea dabadeedna wuxuu ku soo jeedaa London maanta oo Arboco ah.

Chelsea ayaa ogolaatay inay bixiso adduun dhan  80 milyan oo Euro taa oo ka dhigan inay Liverpool ka jabineyso Rikoodhka goolhayaha ugu qaalisan adduunka kaddib markii ay dhawaan uun 75 milyan oo euro ay Roma kaga soo qaateen Alisson Becker.

23-jirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay wakiiladiisa Margarita Garay iyo Gustavo Canizares.

Maanta oo arboco ah ayaa la dhammeynayaa heshiiska uu Kepa ugu soo biirayo Blues, si uu khamiista tababarka ula bilaabo.

Waxaa kaloo la sheegayaa xitaa inuu kulankiisii ugu horreeyay Chelsea u safan karo isla sabtida na soo aadan.

Waxay arrinkan ka dhigan tahay in Thibaut Courtois  loo ogolaaday inuu ku biiro Real Madrid iyadoona heshiiska goolhayaha reer Belgium goor dhow lagu dhawaaqi doono.

Kooxda reer London ayaa la warinayaa inaysan ka labo labeyn dalabka kaga yimid macalinkooda Sarri ee ku aadan keenista Goolhayaha Bilbao, waxaan iminka lagu wadaa inuu u saxiixo heshiis aan ka yareyn shan sano wuxuuna qaadan doonaa mushaar ka badan kii uu ka heli jiray kooxda reer Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close