Fariin uu diray Paul Pogba oo caqab weyn ku noqoneysa koooxda Manchester United

(Manchester) 08 Agoosto 2018. Paul Pogba ayaa fariin cad u diray maamulka iyo saaxiibadiis kooxda Manchester United, taasoo ku aadan halka uu doonayo inuu u dhaqaaqo inta uu furan yahay suuqan xagaaga.

Wargeyska “Daily Mail” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Pogba uu u sheegay maamulka iyo saaxiibadiis kooxda Manchester United inuu doonayo u dhaqaaqista Barcelona.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in xidiga khadka dhexe ee reer France uu soo dhaweeyay mushaarka ay u balan qaaday inay u siin doonto isbuucii kooxda Barcelona kaasoo gaarsiisan ilaa iyo £ 350,000.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa diyaar u ah in Paul Pogba ay ka saxiixato heshiis gaarsiisan ilaa iyo 5 sano uu ku sugnaan doono garoonka Cump Nou, hadii ay dhacdo in sida heshiiska yahay uu u dhameysto.

Si kastaba dalabkii ugu dambeeyay ay kooxda Barcelona miiska u soo saartay dhigeeda Manchester United ayaa ahaa aduun dhan 50 million euros iyo sidoo kale xidigaha André Gomes iyo Yerry Mina.

Paul Pogba ayaan ku qanacsaneen in uu sii joogo garoonka Old Trafford, sababa la xiriira in xiriirka kala dhexeeya José Mourinho uusan fiicneen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close