DAAWO MUUQAAL: “Saaxiib Ha Taagnaanin ee Dhaqaaq.”.-Saxiixa Cusub ee Chelsea Joriginho oo CASHAR u dhigay Kante kulankii Xalay

(Europe) 08 Agoosto 2018. Saxiixa Cusub ee Chelsea Jorginho ayaa durba cashar u dhigay Kante kulankiisii ugu horeeyay ay wada ciyaaraan.

Blues ayaa rigoorayaal uga adkaatay Lyon ciyaartii saaxiibtinimo ay xalay wada yeesheen.

Kante ayaa xubin muhiim u ahaa Antonio Conte laakiin macallinka reer talyaani ayaa ciyaari jiray kubbad daafac ku dhisan oo dhaqaaq badan ma sameyn jirin madaalaha reer France.

Laakiin Jorginho ayaa xalay u sheegay Kante in Sarri uusan Difaac jeclayn isla markaana dhaqaaq badan laga doonayo.

Kaamirooyinka ayaa soo qatay Jorginho oo kubbada lugta ku haya isla markaana Kante gacanta ugu tilmaamaya inuu dhaqaaqo.

Shan ilbiriqsi kaddib laacibka reer France ayaa qaatay amarka Jorginho horey ayuuna u dhaqaaqay waxaana farta laga saaray kubbad uu waji ka waji ula tagay Goolhayaha, inkastuu Fursada iska khasaariyay laakiin wuxuu u mahad celiyay Jorginho.

DAAWO casharka uu Jorginho u dhigay Kante:

Gool FM.  

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close