“Waxaan doonayaa in markale aan wada shaqeyno Mourinho”… mid ka mid ah xidigaha Chelsea oo fariintan diray

(Chelsea) 07 Agoosto 2018. Willian ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in markale uu ka hoos ciyaaro macalinka Manchester United Jose Mourinho.

Laacibka reer Brazil ayaa kala soo hoos shaqeeyay macalinka reer Portugal Jose Mourinho waayiihiisii uu macalinka ka ahaa kooxda Chelsea.

Labadan nin ee Jose Mourinho iyo Willian ayaa waxay si cad u sheegeen midba kan kale inuu xiiseenayo in ay markale wada shaqeeyaan, xili uu Jose dhowr jeer la hadlay wakiilka laacibkan

Willian ayaa u sheegay wargeyska “Mirror” inuu doonayo in markale ay wada shaqeeyaan  Jose Mourinho maadaama uu ku tilmaamay inuu yahay macalin fiican.

“Mourinho waa macalinkii ugu fiicnaa ee aan abid la oo shaqeeyay”.

“Waxaan la leeyahay xiriir aad u wanaagsan, walina waxaan leenahay xiriir aad u dhow”.

“Waa tababare aad u fiican, waxaan ku soo raaxeystay la shaqeyntiisa, waxaana rajeynayaa inaan markale aan wada shaqeyn doono”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close