Thibaut Courtois oo Cudur daar la’aan uga maqan tababarka Chelsea maalintii labaad oo xiriir ah

(London) 07 Agoosto 2018 Goolhayaha kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa cudur daar la’aan uga maqan tababarka kooxdiisa maalintii labaad oo xiriir ah.

Sky Sports ayaa daaha ka qaaday in goolhayaha reer Belgium uusan saaka soo xaadirin tababarka kooxda Chelsea xili uu furmayo Premier League.

Image result for courtois chelsea

Ma jirto wax cudur daar ay ogtahay kooxda oo uu ku maqan yahay Thibaut Courtois, laakiin goolhayaha ayaa u sheegay kooxdiisa inuusan dib ugu soo laabanayn tababarka si looga iibiyo Real Madrid.

Tababare Sarri ayaa doonayay inuu ku qanciyo Thibaut Courtois sii joogida Chelsea marka uu ku soo laabto kooxda, laakiin isagii ayaaba diidan inuu yimaado tababarka kooxdiisa.

Kulan Dishibiliinka ah ayaa looga yeeray goolhayaha kaas oo la qabanayo waqtiga qadada ee bari oo Arbaco ah, waxaana lagu wadaa in lagu ciqaabo kulankaas ugu badnaan labo isbuuc oo mushaarkiisa laga jarayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close