Real Madrid oo u hanjabtay Inter Milan iyo sheekada oo gaari doonta UEFA

(Madrid) 07 Agoosto 2018 Real Madrid ayaa hanjabaad hawada u marisay kooxda Inter Milan oo dadaal ugu jirta inay kala wareegto Luka Modric.

Marca ayaa baahisay in Real Madrid ay qorshaynayso inay dacwad ka gudbiso kooxda Inter Milan haddii ay la wareegto Luka Modric.

Image result for Modric Inter

Inter Milan ma haysato dhaqaale ay ku bixin karto qiimaha saxiixa Luka Modric iyo waliba mushaarkiisa, laakiin milkiilayaasha kooxda ee Shiinaha ayaa doonaya in lacagta ay ka bixiyaan shirkado ay iyagu si gaar ah u leeyihiin.

Tilaabadaas ayaa ka hor imaanaysa sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub ee UEFA ay dajisay, Real Madrid ayaana ugu hanjabtay Inter inay la kulmi doonto ganaax haddii ay la wareegto Modric.

Luka Modric ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto tababarka buuxa ee Real Madrid barri oo arbaco ah, laakiin lama hubo halka uu ku danbayn doono mustaqbalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close