Real Madrid oo badalka Luka Modric u aragta xiddig horay uga soo garab ciyaaray Messi

(Madrid) 07 Agoosto 2018 Luka Modric ayaa cadaadis daran ku haaya kooxdiisa Real Madrid si loo fasaxo suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Laacibka reer Croatia ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda Inter Milan si uu horyaalka talyaaniga ugu la midoobo saaxiibkiisii hore ee Ronaldo oo ku biiray Juventus.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay diirada saaratay xiddigii hore ee Barcelona ee Thiago Alcantara kaas oo haatan u ciyaara Bayern Munich.

Image result for Thiago Alcantara Real Madrid

Barcelona ayaa dadaal ugu jirta dhankeeda inay dib u soo ceshato Thiago Alcantara, laakiin tababare Julen Lopetegui ayaa u sheegay kooxdiisa in Bernabeu la keeno xiddiga reer Spain.

Warar hoose ayaa sheegaya in Thiago Alcantara uu doonayo inuu ku biiro Real Madrid isla markaana uu ka hor yimaado asxaabtiisii hore ee Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close