Manchester United oo ku soo biirtay tartanka saxiixa Ousmane Dembele

(Manchester) 07 Agoosto 2018 Manchester United ayaa ku soo biirtay tartanka saxiixa weerar yahanka reer France ee Ousmane Dembele.

Arsenal ayaa kali ku ahayd maalmihii dambe tartanka loogu jiro saxiixa laacibka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele.

Laakiin Daily Mail ayaa baahisay in tababare Mourinho uu ku amray maamulka kooxdiisa in la keeno weerar yahan ka ciyaari kara garabka ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga horyaalka ingiriiska.

Tababare Mourinho ayaa doonaya badalka Martial kaas oo uusan la dhacsanayn qaab ciyaareedkiisa, Ousmane Dembele ayaana haatan diirada u saaran kooxda Manchester United.

Ousmane Dembele qudhiisa ayaa dadaal ugu jira inuu ka tago Barcelona maadaama uu dareemay inuusan boos joogto ah ka heli doonin xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close