Macalinka kooxda Real Madrid Julen Lopetegui oo ka hadlay mustaqbalka Modrić iyo Kovacic

(Real Madrid) 07 Agoosto 2018. Macalinka kooxda Real Madrid Lopetegui ayaa xaqiijiyay in labada xidig ee xulka qaranka Croatia ee Mateo Kovacic iyo Luka Modric inay ku farxi doonaan hadii ay sii joogaan garoonka Santiago Bernabéu.

Maalmihii la soo dhaafay, wargeysyada ayaa waxay ka hadleen suurtogalnimada ay kaga tagi karaan Modrić iyo Kovačić kooxda Real Madrid intii lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Modrić ayaa lala xiriirinayaa inuu ku biiraro kooxda reer Talyaani ee Inter Milan, halka saaxiibkiis Kovacic uu in mudo ah doonayay inuu ka tago Real Madrid  si uu u helo fursad ka wanaagsan tan Los Blancos.

Julen Lopetegui ayaa u sheegay wargeyska “Marca” ee dalka Spain inuu doonayo in labada xidig ee Mateo Kovacic iyo Luka Modric ay ku sii sugnaadaan Bernabéu.

“Waan hubaa in Modric uu nala sii joogi doono, wuuna ku farxi doonaa hadii uu nala  joogo Real Madrid xilli ciyaareedka cusub”.

“Wax dhibaato ahna kuma qabo Mateo Kovacic, waan ku faraxsanahay inuu nala joogno, sidoo kale isagana wuu ku farxi doonaa hadii uu nala sii shaqeeyo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close