Kooxda Chelsea oo ka jawaabtay kacdoonka Thibaut Courtois

(London) 07 Agoosto 2018. Chelsea ayaa jawaab ka bixisay kacdoonka goolhaayaheeda Thibaut Courtois, ka dib markii uu cudur daar la’aan seegay maaalintii labaad ee xiriir ah tababarka Blues.

Sida laga soo xigtay idaacada “BBC” Chelsea ayaa go’aansatay in Thibaut Courtois ay ku ganaaxdo qiimo dhan 200 kun ginni, sababa la xiriira inuu si cudur daar la’aan kaga maqnaa tababarka kooxda mudo laba maalin xiriir ah.

Sidoo kale wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Thibaut Courtois uu wali ku sugan yahay dalka Belgium xili dhamaan xidiga Blues ay isku diyaarinayaan tababarka ay ugu diyaar garoobayaan kulamada xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

BBC-da ayaa sidoo kale sheegtay in Thibaut Courtois uu ku ciriirinayo maamulka kooxda Chelsea in ay u ogolaadaan u dhaqaaqista Real Madrid kahor inta uusan xirmin suuqa xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close