Juventus oo aqbashay inay kor u qaado mushaarka Miralem Pjanic

(Turin) 07 Agoosto 2018 Juventus ayaa aqbashay inay kor u qaado mushaarka laacibkeeda reer Bosnia ee Miralem Pjanic.

Xiddigaan ayaa diirada u saaran kooxo badan sida Barcelona, Chelsea iyo PSG, laakiin kooxda ayaa ku dhaw inay ka saxiixdo heshiis cusub.

Image result for Ronaldo Pjanic

Maamulka kooxda Juventus ayaa shalay laacibka kula kulmay magaalada Milan, waxaana loo balan qaaday in loo kordhinayo mushaarkiisa sida uu baahiyay La Gazzetta dello Sport.

Miralem Pjanic ayaa haatan ka qaata kooxda Juventus 4.5 milyan oo euro, kooxda ayaana u balan qaaday in la siinayo sanadkii 6 milyan oo euro.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Cristiano Ronaldo uu codsaday in kooxda lagu sii haayo Miralem Pjanic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close