“Horyaalka Talyaaniga wuxuu u baahan yahay Cristiano, sidoo kale heshiis Modric waa suuragal inuu dhaco”…Ronaldo

(Serie A) 07 Agoosto 2018. Shabakada “Sky Sport Italia” ayaa wareysi ay la yeelayatay halyayga reer Brazil ee Ronaldo waxaa loogaga hadlay saxiixyada waaweyn ee laga sameeyay horyaalka Serie A xiliyadii lasoo dhaafay.

Juventus ayaa sameesay suuqan xagaaga saxiixii ugu qaalisanaa abid taariikhda horyaalka Seri A ee dalka Talyaaniga kadib markii ay Real Madrid kala soo saxiixdeen Cristiano Ronaldo.

Juventus ayaa ku dhameystirtay heshiiska Cristiano Ronaldo aduun dhan € 105 million, waxaana sidoo kale wali jira war ku aadan in Luka Modric uu kusii jeedo kooxda Inter Milan.

Halyayga reer Brazil ayaa yiri: “Imaatinka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus waxay faa’iido u tahay kubada cagta dalka Talyaaniga”.

“Kubada halkan ma aysan fiicneen xiliyadii lasoo dhaafay, heshiiskan waxaa laga yaabaa inay dib u soo nooleyso xiisaha horyaalka Seri A ee dalka Talyaaniga”.

“Wadaxaajoodka Real Madrid waa mid adag, lakiin waxaa jira rajo laga qabo in uu dhaco heshiiska uu Luka Modric ugu dhaqaaqi karo Inter Milan”.

“Suuqa waa mid cajiib ah, waxaan rajeynayaa inay sanadkan uu noqon doono kan Inter Laakiin laba toddobaad ka dib oo arkaan waxa dhaca”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close