Griezmann oo fariin cad u diray Real Madrid kahor kulanka ay kuwada ciyaari doonaan UEFA Super Cup

(Spain) 07 Agoosto 2018. Antoine Griezmann ayaan qarsan inuu doonayo ku guuleysiga sanadkan koobka UEFA Super Cup ay kooxdiisa Atletico Madrid kula ciyaari doonto dhigeeda Real Madrid maalmaha soo socda.

Griezmann ayaa kasoo muuqday markii ugu horeesay saxaafada tan iyo markii uu saxiixay heshiiskiisa cusub Atletico Madrid ee gaarsiisan ilaa iyo sanada 2023.

Laacibka reer France ayaa u sheegay wargeyska “Marca” ee dalka Spain in kooxdiisa Atletico Madrid ay tahay mid aad u xoogan, kahor inta aan la gaarin kulanka UEFA Super Cup.

“Atletico Madrid waa koox xoogan, xili ciyaareedka soo aadan waxaan doonayaa inaan sii wanaajiyo awoodeyda ciyareed isla markaana aan dhaliyo goolal badan, si aan kooxdeyda u caawiyo”.

“Waxaan haatan u baahanahay inaan qaadano tababar, laakiin waxaan diyaar u nahay kulanka UEFA Super Cup, waxaana dooneynaa inaan ku guuleysano”

Atletico Madrid ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Inter Milan kulan saaxiibtinimo kahor kulanka UEFA Super Cup oo ay la ciyaarayaan Real Madrid 15-ka bishan agoosto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close