Eden Hazard ma tagayaa mise wuu joogayaa???….(Warkii ugu dambeeyay)+SAWIRRO

(London) 07 Agoosto 2018. Eden Hazard ayaa ugu dambeyn dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Chelsea kaddib fasax dheeri ah.

Kabtanka xulka Belgium ayaa dab ku shiday qiyaas fikradeedka inuu ka tagayo Blues kuna biirayo kooxda Real Madrid kaddib markii uu seegay Community Shield oo ay Chelsea guul darada xun kala kulantay Manchester City.

Laakiin The Times ayaa warinaya in Hazard uu iminka aqbalay inuusan xagaagan ka tagin Blues.

27 jirka lagu qiimeeyay 105 milyan oo bound ayaa kiciyay fikrada laga qabo inuu ku biirayo kooxda Real Madrid kaddib ciyaartii uu Belgium ku galay kaalinta 3-aad ee Koobka Adduunka maadaama uu sheegay in la joogo waqtigii uu tagi lahaa.

Yeelkeede, Blues ayaa aad u dooneysay inay sii xafidato Hazard iyadoona wararka hadda soo baxay ay sheegayaan inuu aqbalay inuusan kooxa ka tagin xilli ciyaareedkan.

Macallinka Cusub ee Blues Sarri ayaa xitaa diyaar u ah inuu Hazard u gacan galiyo kabtanka kooxda si uu u farxad galiyo.

SAWIRRO:

Gool FM. 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close