Arsenal oo yeelaneysa hal MILKIILE

(London) 07 Agoosto 2018. Arsenal ayaa ah koox saamiley ah, balse iminka midka ugu sarreeya Saamileyda ayaa doonaya inuu wada iibsado.

Ninka reer America Stan Kroenke ee leh saamiga ugu badan ee Gunners ayaa doonaya inuu sidoo kale iibsado saamiga ninka ku soo xiga ee Alisher Usminov si uu kaligii u wada lahaado Milkiyada kooxda reer London.

Shirkadda Kroenke ee KSE ayaa warbixin ay soo saartay isla markaana uu sii caddeeyay  Kroenke ayaa lagu sheegay inuu doonayo inuu wada lahaado Milkiyada Arsenal 100%.

Image result for Stan Kroenke Arsenal

Kroenke ayaa iminka leh saamiga Gunners Boqolkiiba 67, halka Usmanov ee ku soo xiga uu leeyahay Boqolkiiba 30.

Stan Kroenke oo awalba horey u lahaa milkiyada kooxda Los Angeles Rams ee ciyaarta NFL iyo Denver Nuggets ee dheesha NBA ayaa iminkana doonaya inuu wada Milkiyo naadiga faca wayn ee Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close