Willian oo ka farxiyay taageerayaasha Chelsea (Muxuu ka yiri mustaqbalkiisa?)

(London) 06 Agoosto 2018 Laacibka reer Brazil ee aadka loola xiriiriyay kooxaha Barcelona iyo Manchester United ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa.

Willian ayaa sheegay in marnaba uusan ku fikirin inuu ka tago kooxdiisa Chelsea suuqa xaggaagan, wuxuuna si cad u sheegay inuusan waydiisan kooxdiisa in la fasaxo.

29 jirkaan reer Brazil oo ka hadlay mustaqbalkiisa Chelsea ayaa yiri:

“Marwalba si cad ayaan u sheegayay waxa jira, marwalba waxaan dareemayay inaan ku faraxsanahay Chelsea”.

“Marnaba uma sheegin kooxda inaan doonayo in la i fasaxo”.

Waxaa la waydiiyay xaalada cusub ee Chelsea ay gashay kadib tababare Sarri, wuxuuna yiri:

“Waa waqti cusub iyo tababare cusub, wadahadal fiican ayaan la yeeshay isaga,, waxaan rajaynayaa inaan ku wada raaxaysano guulo badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close