Laacibka heysta Diinteena Islaamka ee Demba Ba oo bar loo celiyo la garan waayay Kaddib markii uu mid Shiinees ah wax ka sheegay….+SAWIRRO

(China) 06 Agoosto 2018. Laacibkii hore ee Chelsea Demba Ba ayaa la celin waayay kaddib markii uu laacib Shiinees ah wax ka sheegay Midabkiisa Madoow.

Xiddiga reer Senegal ee heysta Diinta Islaamka ee iminka ku sugan kooxda Shanghai Shenhua ayaa waxay is qabteen laacibka qadka dhexe ee naadiga Changchun Yatai ee Zhang Li kaddib markii uu wax ka sheegay Midabkiisa isagoo u hiilinaya mid ka mid ah xiddigaha kooxdiisa oo uu qalad ku galay Ba.

Ba ayaa la arkayay isagoo tilmaamaya jirkiisa isla markaana la celin la,yahay iyadoo markii dambe ay xiddigaha labada dhinac ku guuleysteen in la dajiyo.

Odion Ighalo oo u soo ciyaaray naadiga Watford ee Premier League isla markaana ka mid ahaa xiddigihii ka soo horjeeday Ba ayaa daqiiqado ku qaadatay sidii uu u dajin lahaa 33-jirka reer Senegal.

“Horyaalka Shiinaha wuxuu leeyahay ciyaartooy leh midabo kala duwan, ” Maamulaha kooxda Shanghai Shenhua ayaa sidaa yiri ciyaarta kaddib.

“Waa inaan tix galinaa kooxaha naga soo horjeeda waana inaysan jirin wax midab takoor ah.

“Ma is dajin karo iminka. Waxaan dareemayaa shalleyto wayn oo ku aadan in la tix galin waayo ciyaaryahan.”

Waa sharc darro in ciyaaryahanka uu ku soo cel celiyo isagoo ku qeylinaya  “Midkaagan Madoow” dhanka Demba Ba.

Kooxda Shanghai Shenhua ayaa sidoo kale xiriirka kubbada cagta dalka Shiinaha waydiisatay in Talaabo adag laga qaado xiddigii cunsuriyeeyay Ba.

MUUQAAL+SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close