Kadib Paolo Maldini… Leonardo oo sheegay in Kaka uu dib ugu soo laabanayo Milan balse wuxuu diiday inuu Xaqiijiyo

(Milan) 06 Agoosto 2018. Agaasimaha kooxda AC Milan Leonardo ayaa sheegay in Kaka uu bisha soo socota iman doono Milano balse wuxuu diiday inuu Xaqiijiyo in xil looga dhiibi doono kooxda sidii Maldini oo kale.

Ricardo Kaka ayaa soo xirnaa maaliyada kooxda AC Milan inta u dhexeesay 2003 ilaa iyo 2008, wuxuuna kooxda ku hogaamiyay ku guuleysiga tartanka Champions League sanadii 2007.

Dhinaca kale Ricardo Kaka ayaa lagu tiriyaa inuu ahaa xidigii ugu dambeeyay ee ku guuleestay abaal marinta laacibka ugu wnaagsan aduunka ee Ballon d’Or, kahor talista xidigaha Ronaldo iyo Messi.

Leonardo ayaa arintan shaaca kaga qaaday shirka jaraa’id ee saxaafada loogu soo bandhigay halyayga Paolo Maldini.

“Wuxuu ii muujiyay Rabitaanka inuu barto inuu noqdo Agaasime uuna fahmo sida ay waxyaabaha u sheqeynayaan isla markaana noo soo dhawaado.

“Ma jiraan wax qeexan, laakiin waa run inuu doonayo inuu noo soo dhawaado innaga, bisha September na halkaan ayuu joogi doonaa Milan.“

Leonardo ayaa hoosta ka xariiqay in Kaka uusan u imaaneyn inuu xil qabto balse uu imaanayo inuu wax ka barto iyo waliba aqoon kororsi bilaash ah.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close