“Cristiano Ronaldo wuxuu qeyb ka noqon doonaa taariikhda horyaalka dalka Talyaaniga”… Hugo Aveiro

(Juventus) 06 Agoosto 2018. Cristiano Ronaldo walaalkiis Hugo Aveiro ayaa wuxuu xaqiijiyay in imaatinka walaalkiis ee kooxda Juventys ay sabab u tahay qiimaha kooxda reer Talyaaniga.

Hugo Aveiro ayaa sheegay in walaalkiis Cristiano Ronaldo uu qeyb ka noqon doono taariikhda horyaalka dalka Talyaaniga.

“Cristiano Ronaldo wuxuu guulo waaweyn la gaari doonaa kooxda Juventus, wuxuu doortay koox awood badan, wuxuuna leeyahay awooda uu ku caawin karo inay gaaraan guulo muhiim ah ee aad u wanaagsan”.

“Talyaaniga waa dal aad u wanaagsan ee ku haboon ciyaaraha kubada cagta, waxaa ku sugan kooxo waaweyn”.

“Ronaldo waxa uu siin doonaa wax walba si uu usii waanaajiyo awoodiisa jirka, isla markaa uu u sii ilaashado qaab ciyaareedkiisa uu heyso haatan, sidoo kale wuu kasii fiicnaan doonaa”.

“Horyaalka Talyaaniga waa mid aad u adag, walaalkeyna wuu awoodaa inuu qeyb ka noqdo taariikhda horyaalka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close