BARYO BADAN WAA LEYSKU NACAA…. David Luiz oo runta wajiga ka saaray Hazard iyo Courtois kadib markii uu fariintan u diray

(Chelsea) 06 Agoosto 2018. David Luiz ayaa sheegay in Chelsea ay ku guuleysan karto Premier League xilli ciyaareedka cusub, xitaa hadii ay kooxda ka tagaan Hazard iyo Courtois.

Xidigaha Hazard iyo Courtois ayaa si xoogan lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqi doonaan kooxda reer Spain ee Real Madrid inta lgu jiro suuqan xagaaga.

Kooxda reer Spain ee Los Blancos ayaa dooneysa in Hazard ay ka dhigato badalka Ronaldo oo kaga dhaqaaqay Juventus. Inta lagu jio isla suuqan xagaaga.

“Waan xiiseenayaa in Hazard iyo Courtois ay sii joogaan Chelsea, sababtoo ha waa inoo muhiim, qaab ciyaareed ahaan, awood iyo maskax ahaanba”.

“Laakiin waxay ila tahay in Chelsea ay heysato koox weyn ee aad u dhiiran, xitaa hadii ay baxaan xidigaha Hazard iyo Courtois”.

“Hadii ay go’aansadaan inay ka tagaan, waaxaan sii ahaan doonaa koox aad u wanaagsan, heysatana xidigo aad u wanaagsan, waxaan isku dayi doonaa inaan ku guuleysano horyaalka Premier League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close