Barcelona oo heshiis shaqsi ah la gaartay Paul Pogba (Maxaa haray?)

(Barcelona) 06 Agoosto 2018 Barcelona ayaa tilaab muhiim ah u qaaday dhanka soo xerogalinta laacibka ugu qaalisan Manchester United ee Paul Pogba.

Shabakada CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay shuruuda shaqsiga ah kala heshiisay Paul Pogba si uu ugu biiro suuqa xaggaagan.

Waxaana haatan dhiman oo kaliya in Barcelona ay heshiis la gaarto kooxda Manchester United si laacibku uu ugu wareego Camp Nou.

Image result for Pogba Barcelona

Barcelona ayaa ku qasban inay dadajiso saxiixa Paul Pogba ka hor khamiista maadaama iibinta United ee laacibka reer France ay ku xiran tahay inay hesho badalkiisa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ingiriiska.

Wakiilka Paul Pogba ayaa haatan ku sugan Ingiriiska si uu u dhameeyo saxiixa laacibku uu ugu biirayo Barcelona, kooxda reer Spain ayaana diyaar la ah lacag dhan 110 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close