Maurizio Sarri oo ka hadlay guuldaradii kasoo gaartay kooxda Man City kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah

(Chelsea) 05 Agoosto 2018.Tababaraha kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa wuxuu shaaca ka qaaday sababta ka dambeysa guuldaradii kasoo gaartay kooxda Manchester City kulankii ay dhawaan ku wada ciyaareen Community Shield.

Kooxda Manchester City ayaa guul kaga gaartay dhigeeda Chelsea kulankii FA Community Shield kaddib markii ay ku xasuuqday 2-0.

Maurizio Sarri ayaa u sheegay kulanka kadib shabakada “Football London” in kooxdiisa Blues ay u baahan tahay inay qabato shaqo adag si ay u qaadato xili ciyaareed fiican.

“Qeybta hore ee ciyaarta waxay ahayd mid aad u fiican, laakiin qeybta labaad waxaa jiray isbadal awooda jir ahaaneed, sidaasi darteed waa inaan qabanaa shaqo badan”.

“Xaalada Eden Hazard iyo Thibaut Courtois, waxaan u maleynayaa inay jiraan war aad u wanaagsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close