Kooxda Barcelona oo shaacisay xiliga ay u soo bandhigi doonto saxaafada saxiixeeda cusub ee Arturo Vidal

(Barcelona) 05 Agoosto 2018. Kooxda Barcelona ayaa shaacisay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka qaranka Chile Arturo Vidal uu bari isniin ah u mari doono tijaabada caafimaadka.

Barcelona ayaa ayaa ku dhawaaqday in saxiixa Arturo Vidal ay kala heshiisay kooxda reer Germany ee Bayern Munich aduun dhan 19 million euro.

Arturo Vidal ayaa kadib marka uu bari kaga gudbo tijaabada caafimaad garoonka Cump Nou, si rasmi ah u saxiixi doono heshiis saddex sano ah.

Waxaa sidoo la go’aamiyay in Barcelona ay u soo bandhigi doonto saxaafada saxiixeeda cusub ee reer Chile Arturo Vidal saacada marka ay tahay 13:35 ka hor inta aan lagu sawirin maaliyada kooxda Blaugrana.

Kadib marka uu laacibka dhameystiro howlgaladan, ciyaaryahanka ayaa wuxuu qeyb ka noqon doonaa qorshaha Ernesto Valverde laga bilaabo xili ciyaareedka cusub, sida kooxda inteeda kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close