“Kooxaha naga soo hor jeeda oo dhan way ka awood badan yihiin sida xili ciyareedkii hore”… Jose Mourinho

(Manchester) 05 Agoosto 2018. Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa kala hadlay jamaahiirta kooxda Man United arin murugo leh, kahor inta uusan bilaaban xili ciyaareedka cusub.

Mourinho ayaa marar badan si aan gambasho ku jirin u cambaareeyay kulamada diyaar garowga ee kooxda Man United.

Mourinho ayaa ku adkeystay in kooxdiisa aysan diyaar u ahayn xilli ciyaareedka cusub sababtoo ah fasaxyada ciyaartoyda, iyo sidoo kale in maamulka kooxda aysan shaqo fiican ka qabanin suuqan xagaaga.

“Dhamaan tartamayaasheenu way sii xoogeysteen hadda”.

“Koox kasta ee nagula dagaalameysa koobka Premier League waxay ahaayeen ku adag, balse haatan aad ayay isugu adkeeyeen suuqa xagaaga, Liverpool waxay sameesay saxiixyo muhiim ah”.

“Waan ogahay in agaasimaha guud ee kooxda uu sameynayo waxa ugu fiican aniga dartey, wuu ogyahay rabitaankayga oo dhan iyo dhowrka maamlmood ee ka harsan suuqa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close