Inter Milan oo dooneysa inay ujeedsato saxiixa xidig ka tirsan kooxda Manchester City

(Inter) 05 Agoosto 2018. Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa dooneysa inay sii xoojisato safkeeda kahor inta uusa furmin xili ciyaareedka cusub, maadaama ay dooneyso inay u dagaalanto tartamada kala duwan.

Wargeyska “Spot” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Inter Milan ay doonayaan inay sameeyaan saxiixa xidiga reer Germany iyo kooxda Manchester City ee İlkay Gündoğan.

27 jirkaan ayaa ugu soo dhaqaaqi kara kooxda reer talyaani Inter Milan aduun dhan € 40 million, hadii ay Manchester City ogolaato inuu ka dhaqaaqo.

Maamulka Nerazzurri ayaa doonaya inay sidoo kale shaqaaleysiiyaan xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Luka Modric inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close