“Giorgio Chiellini waa difaac aad u wanaagsan”…. Nacho Fernandez oo si weyn u amaanay Chiellini

(Real Madrid) 05 Agoosto 2018. Difaaca kooxda Real Madrid ee reer Spain Nacho Fernandez ayaa amaanay kabtanka Juventus ee Giorgio Chiellini, kadib kulankii ay ku wada ciyaareen koobka International Champions Cup.

Nacho Fernandez ayaa soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka sawirka asiga iyo Giorgio Chiellini, kadib markii ay kala badasheen maaliyadaha ciyaarta kadib.

“Giorgio Chiellini waa daafac weyn ee aad u wanaagsan, wuxuu mudan yahay ixtiraam”.

Si kastaba kooxda Real Madrid ayaa guul 3-1 ah kaga gaartay kooxda Juventus kulankii saaxiibtinimo ay saakay fajirkii kuwada ciyaareen koobka International Champions Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close