Wuxuu ku dayan jiray Ronaldo, wuxuu aad uga helaa…(Aqriso 8-Waxyaabood oo aadan ka garaneyn Gonzalo Higuain)

(Milano) 04 Agoosto 2018. AC Milan ayaa gacanta ku soo dhigtay weeraryahankii hore ee Real Madrid, Napoli iyo Juventus Gonzalo Higuain.

Waxaa dhaliyaha reer Argentina loo xiray Lambarka 9-aad ee kooxda.

Haddaba Aqriso 8-Waxyaabood oo aadan ka garaneyn Higuain:

Wuxuu ku dayan jiray Ronaldo:

Rugcadaagii reer Brazil Ronaldo ayuu had iyo jeer Higuian u arki jiray geesigiisa Weerarka, sababo la xiriira dha dhaqaaqiisa iyo waliba xawaarihiisa sarreeyay.

Hal bil oo qura ayay ka wada tirsanaayeen kooxda Real Madrid ka hor inta uusan Ronaldo u dhaqaaqin AC Milan.

Wuxuu Guursaday gabar Model ah oo dharka xayaysiisa:

Bilowgii sanadkan ayuu guursaday Lara Weschler, waxayna iminka dunidan ku soo dhaweeyeen Gabar ay u bixiyeen Lara.

  Cuntada uu ka helo waa PIZZA:

Laakiin ma ahan Pizza kasta, ee wuxuu ka helaa midka guriga lagu sameeyo ayna u kariso Hooyadiis.

Filimka uu ka helo waa ‘Man on Fire’:

Waa Filim uu 2004-tii jilay Aktarka Caanka ah ee Denzel Washington.

Related image

Heesaayaasha uu ka helo:

Wuxuu ka helaa Heesaayaasha Nicky Jam, Romeo Santos iyo Juan Luis Guerra.

Ciyaarista Teeniska waa Hiwaayad uu aad uga helo:

Inuu Teeniska la ciyaaro Saaxiibadiisa waa mid ka mid ah Hiwaayadaha ugu wayn uu leeyahay Higuain, wuxuuna taageere u yahay  Roger Federer.

Farshaxanka ayuu Jecel yahay:

Hooyadii waxay ahaan jirtay Farshaxamiiste Rijiyeysa Sawirrada, Higuain ayaana hooyadii ka dhaxlay Farshaxanka wuxuuna booqdaa Matxafyada waqtiyadiisa Firaaqada:

Waxaa u yaala Rikoodhka gool dhalinta horyaalka Serie A:

Higuain iyo Gino Rossetti waxaa u yaala rikoodhka goolasha ugu badan ee hal xilli ciyaareed laga dhaliyo horyaalka Talyaaniga.

36-gool ayuu u dhaliyay Napoli xilli ciyaareedkii 2015/16.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close