RASMI: Barcelona oo shaacisay in Aleix Vidal uu ku biiray kooxda Sevilla

(Barcelona) 04 Agoosto 2018. Kooxda Barcelona ayaa ku shaacisay shabakadeeda rasmiga ah in Aleix Vidal uu ku biiray isla kooxda reer Spain ee Sevilla.

Warka kasoo baxay kooxda Barcelona ayaa lagu sheegay “Kooxaha Barcelona iyo Sevilla waxay ka heshiiyeen saxiixa Aleix Vidal, Sevilla waxay bixin doontaa 8.5 milyan oo euros, lagu daray 2 million euro ee ah lacagaha kala wareejinta”.

“Barcelona waxay kaga mahadcelineysaa Aleix Vidal shaqadii adkeyd uu kooxda kasoo qabtay, waxayna u rajeeneysaa mustaqbal wanaagsan”.

Tani waxay keeneysaa in Aleix Vidal uu dib ugu laabtay 3 sano kahor meesha uu ka yimid waana xili ciyaareedkii 2015/2016 ilaa 2017/18 uu kusoo qaatay garoonka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close