Modrić iyo Perez oo kulan gaar ah ee lagu go’aamin doono mustaqbalkiisa wada qaadan doono iyo xiliga uu kulanka qabsoomi doono

(Real Madrid) 04 Agoosto 2018. Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Croatia Luka Modrić ayaa wuxuu kulan gaar ah la qaadan doonaa madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez, si loo go’aamiyo mustaqbalkiisa Santiago Bernabeu.

Shabakada “Calcio Mercato” ayaa waxay shaaca ka qaaday in maalinta isniinta ee soo aadan in la go’aamin doono sida uu noqon doono xiriirka Luka Modrić iyo kooxda Real Madrid.

Laakiin wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Luka Modrić uu doonayo in kulanka uu la qaadanayo Florentino Perez uu ugu sheego inuu doonayo ku biirista kooxda Inter Milan.

32 jirkan ayaa heshiiska uu haatan kula jiro kooxda reer Spain ee Los Blancos wuxuu dhacayaa sanada 2020, wuxuuna mushaar ahaan kaga qaataa sanadkii aduun dhan 9 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close