Medhi Benatia oo ka warbixiyay Ujeedka kooxda Juventus ee xilli ciyaareedka cusub

(Juventus) 04 Agoosto 2018. Daafaca reer Morocco iyo kooxda Juventus Medhi Benatia ayaa wuxuu shaaca ka bar-tilmaameedka Bianconeri ee xilli ciyaareedka cusub 2018/2019.

Medhi Benatia ayaa si cad u sheegay in kooxdiisa Juventus ay bar-tilmaameed ka dhigan doonto xili ciyaareedka bilaabanaya inay ku wada guuleesato dhamaan tartamada ay qeybta ka noqon doonto.

“Sannad kasta, Juventus waxay isku dayeysaa inay horumar sameyso, sababtoo ah ujeedooyinkeeda waa kuwa sare”.

“Marka aan imaanayay 3 sano kahor, waxaan isku daynay inaan ku guuleysano wax walba, laakiin waxaa la gaaray xiliga aan ku guuleysan lahayn, kadib marka uu furmo xili ciyaareedka cusub”.

“Kooxda waxa ay sameyneysaa saxiixyo waaweyn ee dhanka suuqa ah si loo xoojiyo, waxaan sameyn doonaa wax walba ee awoodeenu tahay, si aan ugu guuleysano dhamaan tartamada aan ka qeyb gali doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close