Manchester United oo hal talaabo u jirto saxiixa difaaca kooxda Barcelona Yerry Mina

(Manchester) 04 Agoosto 2018. Wargeysyada Isbaanishka ah ayaa sheegaya in Manchester United ay qarka u saaran tahay inay heshiis la gaarto Barcelona si ay ugu biiraan daafaca reer Colombia Yerry Mina.

Xidiga reer Colombia ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo garoonka Camp Nou suuqan xagaaga, inkastoo uu ku yimid suuqii biishii lasoo dhaafay  11 milyan euro.

Kadib bandhigiisa cajiibka ahaa ee koobka aduunka 2018, Barcelona ayaa diyaar u ah in ay kaga iibiso kooxaha doonaya adeegiisa 35 million pounds.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Manchester United ay diyaar la yihiin bixinta qiimo dhan 30 million pounds.

Red Devils ayaa ah kooxda ugu dhow ee kala heshiin karta saxiixa Yerry Mina dhigeeda Barcelona waxaana la filayaa in heshiiska xiliyada ugu dhow uu dhici doono.

Ilo isku mid ah ayaa waxay sheegayaan in kooxda Manchester United iyo Yerry Mina ay wada gaareen heshiis dhanka afka ah khamiistii lasoo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close