Laacib ka tirsan Real Madrid oo ilaa Qolka dhar-badalashada daba ordayay Sanchez si uu Maaliyadiisa u helo…(Herrera dhex-dhexaadiye ka noqday Sheekadan.!!)+MUUQAAL IYO SAWIRRO

(Miami) 04 Agoosto 2018. Dhacdadan ayaa ka soo muuqatay kulankii saaxiibtinimo ay Arbacadii hore Miami ku yeesheen kooxaha Manchester United iyo Real Madrid.

Sergio Lopez oo badel ku yimid ciyaarta daqiiqadii 62-aad ayay kaga dhaganeyd inuu helo maaliyada Alexis Sanchez oo dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ay Reds kaga adkaatay Los Blancos.

Wuxuu ku sugayay kanaalka looga duso garoonka, balse nasiib darro Sanchez kol hore ayuuba sii galay qolka dhar badelashada.

Ander Herrera helped Real Madrid youngster Sergio Lopez get Alexis Sanchez's game shirt

19-jirka reer Spain oo niyad jabsan ayaa qolka dhar badelashada ka soo daba aaday waxaana caawiyay Ander Herrera.

Kaamirooyinka ayaa soo qabtay Herrera oo mid ka mid ah shaqaalaha Man United u sheegaya in Lopez uu doonayo maaliyada Sanchez, waxaana la arkayay da,yarka oo faraxsan kaddib markii loo keenay maaliyada Alexis Sanchez.

A member of United's coaching staff helped Lopez after Herrera grabbed his attention

‘Aad ayay u fiican tahay, suuro gal maaha, aad ayaad u mahadsan tahay,’ Sergio Lopez ayaa sidaa yiri kaddib markii uu isku sawiray maaliyada Sanchez.

To Lopez's delight the United coach came back and handed him Sanchez's shirt as a gift

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close