Kooxda Inter Milan oo dalabkan cajiibka ah kaga yaabsatay Real Madrid si ay kaga hesho Luka Modric

(Inter) 04 Agoosto 2018. Wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen faahfaahin dalab cusub ay Inter Milan Luka Modric si ay kaga hesho saxiixiisa Real Madrid.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday In Inter Milan ay kaga yaabsatay Real Madrid in Luka Modric ay kaga qaadato heshiis amaah ah ay ku bixin doonto 15 milyan euro.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Inter ay bixin doonto kadib dhamaadka heshiiska amaahda ah aduun gaarsiisan 25 milyan oo euros, si ay gabi ahaanba si toos ah ula wareegaan saxiixiisa.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray in sheekada layaabka leh ay tahay in isku darka dalabka Inter Milan uu gaarsiisan yahay 40 million euros.

Halka maamulka kooxda Real Madrid ay ku sheegtay in xidigeedan ay ku dooneyso 750 million euros hadiiba uu ka tagayo Santiago Bernabeu.

Laakiin Inter ayaa waxay diyaar la tahay in Luka Modric ay ka saxiixato heshiis 4 sano ah isla markaana uu ku qaadan doono in ka badan 10 million euros, halka Real Madrid uu haatan sanadii mushaar ahaan kaga qaato 9 million euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close