“Waa wax cajiib ah in Maurizio Sarri uu ku sugan yahay England…Wax badan ayaan ka baran doonaa”__Guardiola

(Manchester) 03 Agoosto 2018. Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay kulanka la wada sugayo ee koobka Community Shield ay Axada kuwada ciyaari doonaan kooxaha Manchester City iyo Chelsea.

Pep Guardiola ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay dareenkiisa ku aadan kulanka ay Chelsea kaga hor tagi doonaan koobka Community Shield.

“Aad ayaan u nasiib badanahay maadaama aan ciyaareyno koobka Community Shield ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub”.

“Waxay naga caawineysaa wax badan oo aan ugu diyaar garoobeyno tartanka horyaalka, gaar ahaan wuxuu kulankan imaanayaa kadib koobka aduunka 2018”.

Intaas kadib Pep Guardiola  ayaa wuxuu farxad ka muujiyay in macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri uu qeyb kasoo noqdo macalimiinta ka xamaasha horyaalka dalka England

“Anigu waxaan ku faraxsanahay marka hore, sababtoo ah macalin weyn sida Maurizio Sarri oo kale ayaa ku sugan England”.

“Waxaan ka baran doonaa isaga todobaad kasta, waxaan qabaa inaan wax badan ka baran doono fikradihiisa, maadaama uu haatan nagula sugan yahay horyaalka Premier League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close