“Sidaad doontaan u dhaha waa dhamaad, balse anigu waxaan leeyahay sheekadu waali waa qabyo”…. Zlatan Ibrahimovic

(MLS) 03 Agoosto 2018. Zlatan Ibrahimovic ayaa ka jawaab celiyay fikirka shaqsiyaadka aaminsanaa inuusan dib dambe u ciyaari doonin kubada cagta, kadib dhaawacii halista ahaa ee kasoo gaaray dhanka jilibka inta uu ku sugnaa kooxda Manchester United.

36 jirkan ayaa wuxuu haatan bandhig wanaagsan ka sameenayaa kooxdiisa Los Angeles, wuxuuna ilaa iyo haatan dhaliyay 15 gool, kadib 17 kulan kaliya uu ciyaaray.

Ibrahimovic ayaa kadib bandhigiisan cajiibka ah uu ka sameeyay kooxdiisa cusub ee Los Angeles wuxuu u ja waab celiyay shaqsiyaad badan ee ka shakisanaa inuusan dib dambe u heli doonin awoodiisa ciyaareed.

Zlatan ayaa ku soo qoray bar-tiisa rasmiga ah ee Instagram-ka sawirka jilibkiisa ee dhaawacnaa xiliga uu ku sugnaa kooxda Manchester United wuxuuna soo raaciyay fariin qoraal ah.

“Dhaha wax walba way dhamaadeen, laakiin aniga waxaan idin leeyahay maya”.

Taasoo uu kula jeedo Ibrahimovic in qof kasta uu ka hadlay sida ay u adag tahay dib ugu soo laabashadiisa garoomada, kadib dhaawaca daran ee kasoo gaaray dhanka jilibka, xili da’adiisu ay tahay 36 jir.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close