Muxuu ka yiri Higuaín kadib markii la weydiiyay su’aal ku aadan in Cristiano Ronaldo uu sabab u ahaa kasoo tagistiisa Juventus?

(Milan) 03 Agoosto 2018. Gonzalo Higuain ayaa wuxuu xaqiijiyay in agaasimaha guud ee kooxda AC Milan Leonardo uu sabab  buuxda u ahaa imaatinkiisa Rossoneri.

Laakiin Higuain ayaa wuxuu iska diiday wararka ku aadan in kasoo tagistiisa kooxda Juventus ay ku qasabtay, kadib markii uu yimid Bianconeri Cristiano Ronaldo oo kaga soo biiray Real Madrid.

Weeraryahanka reer Argentine ayaa hal sano oo amaah ah ugu soo biiray AC Milan, iyadoo ay  Rossoneri heshiiska amaahda kadib si toos ah kula wareegi karto 36 milyan oo euros.

“Waxaan garanayaa Leonardo xili hore, dhab ahaan saameyn weyn ayuu kulahaa imaatinkeyga halkan, wuxuu igu qanciyay erayadiisa iyo iimaankiisa”.

“Wuxuu ahaa mid ka mid ah sababihii ugu weynaa ee ugu qasbay inaan imado Milan, wuxuu ogyahay inaan aad ugu mahad celinayo isaga”.

Gonzalo Higuain ayaa la weydiiyay intaas kadib haddii uu dareemay inuu ku qasbanaaday inuu ka tago Juventus ka dib markii Cristiano Ronaldo uu kaga soo biiray Real Madrid.

“Ma jiraan wax cadaadis ee aan la kulmay marna, waxaan horey ula soo ciyaaray Cristiano Ronaldo, lakiin wax qoomamo ah kama qabo inaanan wada ciyaarin xili ciyaareedka cusub”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close