“Mourinho wuxuu nagula dhaqmaa dabeecad ka duwan tan uu kaga soo hor muuqdo saxaafada”… Romelu Lukaku

(Man United) 03 Agoosto 2018. Romelu Lukaku ayaa wuxuu ka hadlay waxyaabaha uu gaarka ku yahay Jose Mourinho, kadib markii uu la kulmay dhaleeceeno xoogan, kadib markii uu khilaaf soo kla dhex galay maamulka Man United.

Lukaku ayaa u sheegay shabakada “Sky Sports” in Jose Mourinho uu ka duwan yahay sida ay dadku ka aaminsan yihiin.

“Jose Mourinho wuu ka duwan yahay, muuqaalka ay dadku ka aaminsan yihiin”.

“Waa shaqsi aad u wanaagsan, waxaa kubada cagta u ciyaarnaa si aan ugu guuleysano koobab, ee uma ciyaarno inaan guuldareysano”.

“Xaqiiqdii, xilli ciyaareedkii hore ma aanan guuleysanin, sidaas darteed waa caadi in laga walwalo waxyaabahan oo kale”.

“Mourinho waa shaqsi aad u wanaagsan, wuxuu jecel yahay shaqadiisa, wuxuu leeyahay maskax weyn ee guuleysi ah, wuxuu noo soo diraa sawiro iyo fiidiyoowyo badan ee cajiib ah inta lagu jiro fasaxyada”.

“Dadku waa in ay fahmaan in aan kubada cagta u ciyaarno si aan u guuleysano ee ma ahan inaan guuldareesano”.

“Waxaan xiriir wanaagsan ee aad u xoogan la leeyahay Jose Mourinho, waa sharaf weyn inaan ka ciyaaro hogaamintiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close