Modric, Mina, Vidal, Courtois, Lewandowski, Martial & Wargeysyadu waxyaabihii ay maanta oo Jimce ah ka qoreen suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

(Muqdisho) 03 Agoosto 2018. Waxaan idin soo koobnay wararka ay Wargeysyada maanta oo Jimce ah ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Maanta Jimce ah wararka suuqa saaran ee xanta iyo xiddigaha la doonayo waxaa ka mid ah Modric, Mina, Vidal, Courtois, Lewandowski iyo Martial.

>- Kooxda Real Madrid ayaa madaxiisa dul dhigtay 670 milyan oo gini 32-sano jirka khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia, Luka Modric kaasoo ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa Koobka Adduunka 2018, si looga hortago dalabka ay xiddigan ku doonayso Inter Milan. (Mirror).

>- Manchester United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaartay difaaca kooxda Barcelona ee Yerry Mina, 23-sano jirkaan xulka qaranka Colombia ayaana sugaya inay kooxuhu ogolaadaan heshiiskan. (Metro, & Mundo Deportivo).

>- Xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo 25-sano jir ah ayaa u sheegay xiddigaha ay isku kooxda yihiin inuu diyaar u yahay inuu ka tago Crystal Palace, waxaana laga yaabaa inuu ku guuleysto codsiga uu kooxdiisa u gudbiyey si uu ugu dhaqaaqo Naadiga Chelsea. (Mirror).

>- Barcelona ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaartay laacibka kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal, 31-sano jirkaan khadka dhexe ee xulka qaranka Chile ayaana qarka u saaran inuu 27 milyan oo gini ugu dhaqaaqo kooxda xafidanaysa horyaalka La Ligaha Spain. (Guardian).

>- Macallinka kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa wadahadallo la leh goolhaye Thibaut Courtois, iyadoo Real Madrid ay doonayso inay la soo saxiixato 26-sano jirkaan shabaqa u gala xulka qaranka Belgium. (Diario AS, iyo Star).

>- Chelsea ayaa xiiseynaysa saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic, kaddib markii 24-sano jirkaan khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia uu iska diiday inuu u dhaqaaqo Manchester United sabab la xiriirta qaab ciyaareedka macallin Jose Mourinho oo aan ku wanaagsanayn habka uu isagu u ciyaaro. (Express, iyo Calciomercato).

>- Manchester United ayaa qorsheynaysa inay iska fasaxdo weeraryahankeeda reer France ee Anthony Martial oo 22-sano jir ah, iyadoo u gacan galinaysa kooxda Bayern Munich si ay qeyb uga dhigto heshiiska ay kula soo saxiixanayso Weeraryahanka xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski oo 29-sano jir ah. (Mirror).

>- Dhinaca kale Wargeysyada Jarmalka ka soo baxa ayaa soo jeedinaya in Martial loo isticmaali doono heshiiska ay Man Utd kooxda Bundesliga kaga soo qaadanayso difaaca xulka qaranka Germany ee Jerome Boateng oo 29-sano jir ah. (Bild).

>- Bournemouth waa inay bixisaa 30 milyan oo gini haddii ay doonayso inay Levante ku qanciso inay ka soo qaadato xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Colombia, Jefferson Lerma oo 23-sano jir ah, kaddib markii naadiga Cherries lagu naanayso laga soo diiday dalab rikoorka kooxda ah. (Sun).

>- Kooxda Championship-ka ee West Brom ayaa u sheegtay Burnley inay u baahnaan doonaan inay bixiyaan 20 milyan oo gini haddii ay doonayaan inay la saxiixdaan Weeraryahanka 29-sano jirka ah ee Ingiriiska, Jay Rodriguez. (Guardian).

>- Burnley ayaa laga soo diiday dalab 11 milayn oo gini ah oo ay ka gudbisay difaaca reer England iyo kooxda Middlesbrough ee Ben Gibson, kooxda Everton ayaana sidoo kale xiisaynaysa saxiixa 25-sano jirkaan. (Northern Echo).

>- Xiddiga khadka dhexe ee reer Scottish iyo kooxda Stoke City, Charlie Adam oo 32-sano jir ah ayaa xiiseynaya inuu dib ugu laabto kooxdiisii ugu horreysay ee Rangers ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan. (Talksport).

>- Xiddiga khadka dhexe ee reer Belgium iyo kooxda Anderlecht, Leander Dendoncker oo 23-sano jir ah ayaa hoos u dhigay inuu u dhaqaaqayo horyaalka Premier League, isagoo iska diiday inuu ku biiro kooxaha Crystal Palace iyo Wolves. (Sun).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close