Maurizio Sarri oo sii shaki galiyay mustaqbalka Thibaut Courtois ee kooxda Chelsea, muxuuse ka yiri?

(Chelsea) 03 Agoosto 2018. Macalika reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa wuxuu shaki weyn ku sii abuuray mustaqbalka goolhaayaha reer Belgiam ee Thibaut Courtois ee kooxda Chelsea.

26 jirkan ayaa si joogta ah lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay ee suuqan xagaaga inuu u dhaqaaqi doono kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Thibaut Courtois ayaa la filayaa inuu seego kulanka ugu horeeya ay ka ciyaari doonaan xili ciyaareedka cusub, kaasoo ay kula ciyaari doonaan Manchester City koobka Community Shield.

Madalka Antonio Conte ayaa mar su’aal laga weydiiyay mustaqbalka Thibaut Courtois ee kooxda Chelsea jawaabta uu ka bixiyaya sii abuurtay shaki xoogan.

“Xilligan, Thibaut Courtois waa goolhayaha Chelsea, ma aqaano waxa dhici doona mustaqbalka, waxay ku xiran tahay naadiga iyo gaar ahaan isaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close